Ali Ayman – Heestii Doraad Wixii Dhacay Iloow

Heestii Doraad Wixi Dhacay Iloow. Codkii Ali Ayman. Ereyadii Xamse Xadaari. Laxankii Nabiil Bulle. Music By Bulshaawi.

 

Lyrics:

kuu darsadayoo runtii

Doc baa ka banaan naftii

Adaan kuu daal mutoo

Heshiis baan doonayaa

Rajaan kugu daydayaa

 

Kashaad dagtayeed ogayd

Dawooy maba ciil baxdoo

indhaha daymadaada jecel

Cidlada kuma doogsadaan

 

Kooris

Dabkii laga shiday dhexdeen

inaan daminaa ka roon

Inaan ku danseegno ee

Dorraad waxa dhacay illow

 

Baydka labbaad

 

Wanaageenii danee

Dabiib maankoo bogsii

Dawee niyadoo habee

Daryeel qalbigoo ku deeq

Dareen aan kala go’ayn

 

Nimaan garanayn dabaal

Badweynta ma doonto oo

Midkaan xalin karin duruuf

Dumarka ma wanaajiyee

 

Kooris

Dabkii laga shiday dhexdeen

Inaan daminaa ka roon

Inaan ku danseegno ee

Doraad waxa dhacay illow

You might be interested in

LEAVE YOUR COMMENT

Your email address will not be published.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.